Qarax ka dhacay Masar iyo wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha

Image

Alexandria - Qarax ka dhacay magaalada Xeebta ku taalla ee Alexandria ee dalka Masar ayaa waxaa ku geeriyootay ugu yaraan 2 qof oo uu kamid yahay hal Askari oo Boolis ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa isku day la doonayay in lagu dilo madaxa amaanka magaalada Alexandria Major General Mostafa al-Nemr.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa waxaa lagu weeraray Kolonyo gaadiid ah oo galbinayay Major General Mostafa al-Nemr.

Major General Mostafa al-Nemr ayaa lala beegsaday qaraxa xilli uu marayay nawaaxiga Tolip Hotel ee gudaha xaafadda Rushdi oo katirsan Alexandria, oo ah magaalada labaada ee ugu weyn wadanka Masar.

Ugu yaraan afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka la doonayay in lagu khaarijiyo Sarkaalka katirsan Ciidamada Masar, kuwaasi oo la dhigay xaruumaha caafimaadka magaalada Alexandria.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, kaasi oo lagu soo beegay xilli dhawaan Masar lagu wado inay ka dhacdo doorashada madaxtinimo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Masar ayaa sheegtay in weerarka uu ahaa isku day dil oo la doonayay in lagu dilo al-Nemr, waxaana ay ku eedaysay Daacish inay ka dambayso shirqoolkaasi fashilmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM