​Qarax ka dhacay nawaaxiga Qunsuliyadda USA ee dalka Sacuudiga

Image

War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in qof isa-soo miidaamiyay uu isku qarxiyay afaafka hore xarun ay dagantahay Qunsuliyadda Maraykanka u joogta waddankaasi.

Qaraxan ayaa gaysan khasaaro xooggan, waxaana ku dhintay oo kaliya qofkii is-qarxiyay, halka dhaawacyo fudud soo gaareen labo kamid ah ilaalada xaruntaasi.

Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in wax dhib ah uusan soo gaarin shaqaalaha qunsuliyadda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada ay ninkaas aad uga shakiyeen, markii ay kusoo dhaqaaqeenna uu is-qarxiyey.

Arrintan ayaa keentay in mar kale Maraykanku digniin u diro muwaadiniintiisa doonaysan inay u safraan dalkaasi, wuxuuna ugu baaqay inay ka baaqsadaan wixii socdaal ah ee aan muhiim ahayn.

2004-tii ayay ahayd markii Qunsuliyaddan weerar ku qaadan mintidiin xiriir la lahaa Al-Qaacidda, waxaana iska hor imaad dhexmaray ciidamada ilaada ka ahaa iyo iyaga ku dhintay shan ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM