Qarax ka dhacay Turkiga oo 36 qof ku dhinteen

Image
Image

Ugu yaraan 36 ayaa la rumaysan yahay in lagu dilay weerar loo adeegsaday bambooyin iyo qoryo, kaasoo lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee magaalada Istanbul.

Tiro 100 qof ayaa ku dhaawacmay. Waxaa la fahamsan yahay in 3 qof oo is miidaamiyey ay weerarka qaadeen.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshadana waxay muujinayaan booliska oo tooganaya mid ka mid ah dadkii weerarka qaaday.

Jaakadii is qarxinta ee u xirnayd ayuu qarxiyey isagoo dhawaacan oo dhulka yaalla.

Duullimaadyadii ayaa la joojiyey, dadkana waxaa laga codsaday inay ka fogaadaan garoonka. Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee istanbul looga gol lahaa in lagu abuuro borobagaando ka dhan ah dalkiisa ayadoo la isticmaalayo dhiiga iyo xanuunka dadka aan waxba galabsan. 

Turkigu wuxuu weerarka ku eedeeyey kooxda dawladda islaamiga.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM