Qarax ka dhacay Turkiga oo 36 qof ku dhinteen

Image
Image

Ugu yaraan 36 ayaa la rumaysan yahay in lagu dilay weerar loo adeegsaday bambooyin iyo qoryo, kaasoo lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee magaalada Istanbul.

Tiro 100 qof ayaa ku dhaawacmay. Waxaa la fahamsan yahay in 3 qof oo is miidaamiyey ay weerarka qaadeen.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshadana waxay muujinayaan booliska oo tooganaya mid ka mid ah dadkii weerarka qaaday.

Jaakadii is qarxinta ee u xirnayd ayuu qarxiyey isagoo dhawaacan oo dhulka yaalla.

Duullimaadyadii ayaa la joojiyey, dadkana waxaa laga codsaday inay ka fogaadaan garoonka. Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee istanbul looga gol lahaa in lagu abuuro borobagaando ka dhan ah dalkiisa ayadoo la isticmaalayo dhiiga iyo xanuunka dadka aan waxba galabsan. 

Turkigu wuxuu weerarka ku eedeeyey kooxda dawladda islaamiga.

BBC

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM