​Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay dalka Turkiga

Image

Wararka kam imaanaya Bariga dalka Turkiga ayaa sheegaya in qarax xooggan ka dhacay xarun Booliis oo ku taalla magaalada Elazig, waxaana ku dhintay 6 ruux halka dhaawacu gaarayo in kabadan Labaatan Ruux.

Warbaahinta dalkaasi ayaa ku warantay in qaraxa uu fuliyay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, balse waxaa alaaba arrinta fuliya kooxaha kurdiyiinta ee dagaalka kula jira xukuumadda Ankara.

Muuqaallo laga baahiyay telefishinnada waddankaas ayaa muujinayay qiiq iyo holac qabsaday xaruntaasi booliis, waxaana dadka dhaawacmay ku jiro tiro kamid ah saraakiisha Booliiska.

Shalay gelinkii dambe ayey aheyd markii qarax ka dhacay meel ku dhow fariisin ciidan oo ku taalla isla magaalada Elazig oo ay ku dhinteen ugu yaraantii 3 qof, halka 70 kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegtay warbaahinta  Turkiga.

Dhinaca kale xukuumadda Turkiga ee uu hogaamiyo madaxweyne Erdogan ayaa xabsiga ka sii daysay dad ka badan 38,000 kuwaasoo loo haystay Afgambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay bartamihii bishii July.

GAROWEONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM