​Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay dalka Turkiga

Image

Wararka kam imaanaya Bariga dalka Turkiga ayaa sheegaya in qarax xooggan ka dhacay xarun Booliis oo ku taalla magaalada Elazig, waxaana ku dhintay 6 ruux halka dhaawacu gaarayo in kabadan Labaatan Ruux.

Warbaahinta dalkaasi ayaa ku warantay in qaraxa uu fuliyay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, balse waxaa alaaba arrinta fuliya kooxaha kurdiyiinta ee dagaalka kula jira xukuumadda Ankara.

Muuqaallo laga baahiyay telefishinnada waddankaas ayaa muujinayay qiiq iyo holac qabsaday xaruntaasi booliis, waxaana dadka dhaawacmay ku jiro tiro kamid ah saraakiisha Booliiska.

Shalay gelinkii dambe ayey aheyd markii qarax ka dhacay meel ku dhow fariisin ciidan oo ku taalla isla magaalada Elazig oo ay ku dhinteen ugu yaraantii 3 qof, halka 70 kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegtay warbaahinta  Turkiga.

Dhinaca kale xukuumadda Turkiga ee uu hogaamiyo madaxweyne Erdogan ayaa xabsiga ka sii daysay dad ka badan 38,000 kuwaasoo loo haystay Afgambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay bartamihii bishii July.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM