Qarax lala beegsaday tareen mara London

Image

Booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacayQarax ayaa lala beegsaday tareen ka mid ah kuwa London ee dhulka hoostiisa mara, waxaana lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah rakaabka tareenkaasi ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa dhacay 08:20 xilliga London, waxaana booliska iyo howlwadeennada caafimaadka ay gaareen goobta uu ka dhacay oo ah boosteejada Parsons Green ee Fulham. Sawirro laga soo qaaday tareenka ayaa muujinaya in xajmiga qaraxa uu koobnaa, oo aanu geysan burbur muuqda.  

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dhowr qof oo dhaawacya qaba. Booliska la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay inay qaraxa ula tacaalayaan inuu yahay "fal argagixiso." Askar hubaysan ayaa la geeyay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Xigasho: BBC 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM