Qaraxyo lala beegsadey labo masjid oo ku yaalla caasimadda Yemen

Image

March 20, 2015 (GO)- Ugu yaraan sagaashan qof ayaa ku geeriyoodey ku dhwaad saddex boqol oo kalena way ku dhaawacmeen afar qarax oo maanta ka dhacay magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen.

Qaraxyadaas oo dhammaantood is-miidaamin ahaa, waxaa lala beegsaday labada masjid ee Badar iyo Al-xashuush xilligii lagu jirey salaadda Jimcaha. Labada masjid waxaa ku cibaadeysta dadka haysta madhabta Shiicada, gaar ahaan madaxda kooxda Xuuthiga iyo taageereyaashooda.

Tobannaan qof oo  u badan kuwo dhaawacyo culus qaba ayaa la gaarsiiyey xarumaha caafimaadka, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu aad u kororto saacadaha soo socda.

Dadka werarradan ku dhintey waxaa kamid ah imaamkii masjidka Beder Sheekh Murtada bin Zayd al-Muhatwari. Sheekhan ayaa kamid ahaa hogaamiye diimeedyada ugu caansan dalka Yemen.

Waa markii ugu horreysey ee weerar caynkan oo kale ahi ka dhaco xarunta dalka Yemen ee Sanca, laga soo bilaabo markii ay gacan ku haynta magaalada si buuxda ula wareegeen mileeshiyaadka shiicada ah ee Xuuthiga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga: Netanyahu lagama ogolaan doono inuu burburiyo heshiiska nabada Qaza

adaalladan ayaa qeyb ka ah isku dayada beesha caalamka ay wado si loo joojiyo dagaalka.

  • Caalamka

    08-10-2025

  • 04:23PM

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu oo Is Casilay Bil Kadib Markii Loo Magacaabay Xafiiska

Xasilooni darrada siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa caqabad ku noqotay dadaallada dowladda Faransiiska ee lagu xallinayo caqabadaha.

  • Caalamka

    06-10-2025

  • 11:42AM