Qax Cusub oo ka Bilowdey Dalka Syria

Image

ISTANBUL- Ra’iisul wasaaraha dalka Turkey, Ahmet Davutoglu ayaa waxa uu sheegay in 15-kun qof isugu tageen xuduudda dalkaasi, kuwaasoo ka soo qaxaya duqeynta dowladda Syria. 

Qaxootigan ayaan weli loo ogolaan inay xuduudda dalka Turkiga la leeyahay Syria kasoo gudbaan.

Dadkan ayaa ka soo qaxay duqeynta ciidamada Syria oo garab ka helaya Russia kuwasoo ku sii si-kanaya dhanka Waqooyiga ee magaalada Xalab.

Shaqaalada gargaarka deg dega ah ee Turkey ayaa u gudbay dhanka Syria si ay u caawiyaan dadka qaxaya. 

Ra'iisul wasaaraha Turkey, Ahmet Davutoglu, ayaa sheegay in la filayo tirada qoxootiga ka soo cararay Syria ay sii kororto. 

Nato waxa ay Russia ku eedeysay inay wiiqeyso dadaallada nabadda ee Syria, oo ay duqeynta weli sii wado taas oo ay ku sheegeen in lala eeganayo kooxaha mucaaradka. 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Washington xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, waxa uu Russia  ku eedeeyay sii wadidda duqeymaha ku wajahan shacabka Syria.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM