Qaxooti ka yimi Hungary oo ku wajahan Austria

Image

05 September, 2015(GO)-War ka soo baxay dalka Austria ayaa lagu sheegay in dalkaasi ku wajahanyihiin ku dhawaad 10,000 qof qaxooti ka yimi dalka Hungary oo muddo go'doon ku ahaayeen.

Sargaal sare oo Boliska ah ayaa sheegaya in dadka magan galyo doonka ah ee dalkaasi maanta soo gaarey ay u fidiyeen gar-gaar bini aadanimo iyagoo kaga hortagay goobaha xuduuda ah ee Hungary ku daadisay.

Austria ayaa sheegaysa inay Jarmalka ka wada hadleen sidii dadka loo caawin lahaa, waxaana jira muran xooggan oo ka dhexjira wadama Yurub kaasi ooo ku aadan qaxootigan tira badan ee soo galay wadamadaasi.

Dhinaca kale dowladda Hungary ayaa sheegtay inaysan jiri doonin basas iyo tareeno kale, waxayna caddeysay inay basaska keentay kadib markii dadka ay u lugeeyeen xuduudda Austria, hadana ay xaalada dib u eegayso

Jarmalka ayaa dhinaciisa waxa uu sheegay in dalkiisa ku soo wajahanyihiin qaxooti hor leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM