Qaxootiga Yurub oo lagu tilmaamay baranbaro

Image

Madaxa xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay, Zeeyd Racad Al-Xuseyn, ayaa kula taliyay dowladda Biriten inay wax ka qabato waxa uu ugu yeeray kicinta soogalooti naceybka warbaahinta Biriten.

Wuxuu soo xigtay maqaal dhawaan uu qoray wargeyska Sun kaasi oo ku tilmaamay muhaajiriinta baranbaro, wuxuuna sheegay in taa ay la mid tahay luuqadii ay adeegsadeen warbaahinta Ruwanda ka hor xasuuqii.

Al-Xuseyn ayaa ka digay luuqadda dagaalka ee loo adeegsado muhaajiriinta oo aaysan u adkeysan karin, wuxuuna sheegay inay mas'uuliyad ka saaran tahay dowladda Biriten sida ku xusan sharciga caalamiga iyo kan dalka inay wax ka qabato wixii naceyb kicinaya.

Xigasho: BBC

Related Articles

Heshiiska Gaza: Guul Diblomaasiyadeed mise Bilowga Dhamaadka Netanyahu?

Arrintan ayaa khatar gelisay taageerada siyaasiyiinta xagjirka ah ee Netanyahu…

  • Caalamka

    10-10-2025

  • 06:48AM

Turkiga: Netanyahu lagama ogolaan doono inuu burburiyo heshiiska nabada Qaza

adaalladan ayaa qeyb ka ah isku dayada beesha caalamka ay wado si loo joojiyo dagaalka.

  • Caalamka

    08-10-2025

  • 04:23PM