QM oo ka walaacsan Xiisadda u dhaxeysa Syria iyo Israel

Image

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo xiisadda u dhaxaysa Israa'iil iyo Suuriya.

Guterres ayaa sheegay in si dhaw uu ula socdo xiisdda militari ee sii kordhaysa ee labada dhinac u dhaxaysa.

Militariga Israa'iil ayaa waxay ku tilmaamee duqaymihi ay ka fuliyeen gudaha Suuriyua ay ahaayeen duqaymihii ugu waynaa oo noocooda ah ee 30 sano ee ugu dambeeyay ay fuliyaan.

Afhayeen u hadlay militariga Israa'iil ayaa sheegay in duqaymaha inta badan lala bartilmaameedsaday goobo u dhaw caasimada Dimishiq.

Conricus ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa oo kali ah saldhigyo militari.

Raisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa ku eedeeyya Iiraan in ay ku soo xadgudubtay hawada Israa'iil.

Mr Netanyahu ayaa xusay in Iiraan iyada oo isticmaalaysa dhulka Suuriya ay weerar ku soo qaadayso Israa'iil.

Weerarada militariga Israa'iil ay ka fuliyeen gudaha Israa'iil ayaa ka dambeeyay ka dib markii diyaarad militari oo ay Israa'iil leedahay la soo riday.

Diyaaradan Israa'iil ayaa ku burburtay gudaha Israa'iil ka dib markii lidka diyaaradaha ay la beegsateen militariga Suuriya.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa waxay muujiyeen isda ay uga walaacsan yihiin xiisadda sii kordhaysa ee labada dhinac u dhaxaysa.

Related Articles

Erdogan oo ku yiri Madaxweynaha Iran: Ku xadgudubka Hawada Turkiga ma lahan wax cudurdaar ah

Erdogan ayaa sidoo kale ku celiyay tacsida uu u diray geerida Khamenei, wuxuuna muujiyay rajada ah in doorashada Mojtaba Khamenei.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 07:31PM

Turkiga oo Gantaaladda Patriot ee Mareykanka Rakibtay si uu uga Gaashaanto Khatarta Iran

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Turkigu uu sii wadayo iskaashiga uu la leeyahay xulafadiisa NATO.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 08:25AM