​QM oo ku baaqday joojinta dagaalka Bariga dalka Ukraine

Image

QM ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka kasoo cusboonaaday Bariga Dalka Ukraine, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dalkaasi iyo Jabhadda Gooni-ugoosadka uu Ruushka taageero.

Dagaalka Bariga Ukraine ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhimatay in ka badan 15 askari, oo katirsanaa ciidamada dowladda, waxaana sii xoogaysanaya colaadda labada dhinac.

Ciidamada Ruushka uu taageero ayaa galay qeybo kamid ah dalka Ukraine 2014, waxayna dalkaasi ka gooyeen gobolka Kareemiya, oo shacabka degan asal ahaan kasoo jeedaan Ruushka.

Dowladda Ruushka waxaa lagu eedeeyay inay faragelin toos ah ku samaynayso dalalkii hore uga midka ahaa Midowgii Suufiyeetka, oo hadda noqday wadamo madaxbanaan.

Dowladda Ukraine ayaa dhawaan ka codsatay NATO inay ciidamada Ruushka ka saaraan dalkaasi, oo qark u saaran inuu ka qarxo dagaal sokeeye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM