​Qof ku dhintay weerar lagu qaaday Bangi ku yaal Mandheera

Image
Image
Image

MANDHEERA, Kenya- Mallayshiyaad hubaysan ayaa xalay saq-dhexe weerar ku qaaday Bangi ku yaalla degmada Mandheera ee Waqooyi Bari dalka Kenya, waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad sababay dhimasho.

Kooxdan oo loo malaynayo inay katirsanyihiin Al Shabaab, ayaa weerarka fulisay abaaro 02:00 habeenimo xilligaas oo badi dadka Mandheera ay hurdeen.

Goobta la weeraray ayaa lagu magacaabaa Equity Bank, waxaana la xaqiijiyay inuu dhintay halka Askari oo katirsan ciidanka Booliiska Kenya, kaasoo waardiye ka ahaa xaruntaas.

Askarigaas ayaa ku dhintay is-rasaasayn dhexmartay labada dhinaca.

Mas’uuliyiin ka tirsan Magaalada Mandera ayaa warbaahinta u sheegay inay baarayaan in kooxaha weerarka soo qaaday ay dhaceen lacag iyo inkale.

Majirto ilaa hadda koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu qaaday Mandheera.

Xaaladda Mandheera ayaa saaka dagan, waxaana socda baaritaano kala  duwan oo ay sameeynayaan ciidamada amniga.

Muddooyinkii dambe, waxay ka nasatay magaaladaas weeraro joogto ahaa oo uga imaanayay kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM