​Qof ku dhintay weerar lagu qaaday Bangi ku yaal Mandheera

Image
Image
Image

MANDHEERA, Kenya- Mallayshiyaad hubaysan ayaa xalay saq-dhexe weerar ku qaaday Bangi ku yaalla degmada Mandheera ee Waqooyi Bari dalka Kenya, waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad sababay dhimasho.

Kooxdan oo loo malaynayo inay katirsanyihiin Al Shabaab, ayaa weerarka fulisay abaaro 02:00 habeenimo xilligaas oo badi dadka Mandheera ay hurdeen.

Goobta la weeraray ayaa lagu magacaabaa Equity Bank, waxaana la xaqiijiyay inuu dhintay halka Askari oo katirsan ciidanka Booliiska Kenya, kaasoo waardiye ka ahaa xaruntaas.

Askarigaas ayaa ku dhintay is-rasaasayn dhexmartay labada dhinaca.

Mas’uuliyiin ka tirsan Magaalada Mandera ayaa warbaahinta u sheegay inay baarayaan in kooxaha weerarka soo qaaday ay dhaceen lacag iyo inkale.

Majirto ilaa hadda koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu qaaday Mandheera.

Xaaladda Mandheera ayaa saaka dagan, waxaana socda baaritaano kala  duwan oo ay sameeynayaan ciidamada amniga.

Muddooyinkii dambe, waxay ka nasatay magaaladaas weeraro joogto ahaa oo uga imaanayay kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM