Ra'iisul Wasaare u geeriyooday safmarka Coronavirus

Image

LOBAMBA, Eswatini - Ra'iisul Wasaaraha Eswatini, Ambrose Dlamini, ayaa geeriyooday Isniinta maanta ah, sidda ay ku dhawaaqdey dowladda waddankaas.

Sabelo Dlamini, afhayeenka dowladda oo u waramay saxaafadda maxaliga ah, ayaa tilmaamay in ay qoyska Dlamini kala shaqeyn doonan aaskiisa.

"Waxaa la ii wakiishay in aan qaranka ku wargeliyo geerida naxdinta leh ee ku timid Mudane Ra'iisul Wasaare Ambrose Dlamini. Mudanaha wuxuu ku dhintay isbitaal ku yaala Koonfur Afrika. Dowladda waxay kala shaqeyn doontaa qoyskiisa in ay isku dabarido duugtiisa," ayuu yiri.

Ambrose ayaa laba todobaad kahor loo dhoofiyey Koonfur Afrika kadib markii laga helay aafadda Coronavirus.

Dalkan kolkii hore loo aqooni-jiray Swaziland ayaa waxaa ku nool 1.1 milyan oo ruux, waxaana laga helay kiisas gaaraya 6,714. Kaliya shalay waxaa u dhintay 29 ruux.

Lizzy Nkosi, wasiirka caafimaadka, ayaa tibaaxay in 55 qof ay bogsadeen shalay taasoo wadarta ka dhigeysa 6,331. Boqortooyadda wuxuu cudurka ku dilay 128 qof.

Inkasta oo uu la daalaadhacayey Covid-19, illaa haatan lama soo bandhigin sababta dhabta ah ee keentay geerida Dlamini, taas oo la macno ah in laga sugayo dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ugu hanjabay Iran Dagaal ka weyn kii hore haddii diido ‘Heshiis Rasmi Ah’

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in joogitaankan uu ka koobnaan doono.

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 05:33AM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM