Ra'isal wasaaraha dalka Australia Tony Abbot oo xilkiisa waayey

Image

Sept 14, 2015 ( GO+BBC)- Wadanka Australia ayaa waxaa uu yeeshey Ra'isal wasaare cusub kadib markii uu waayey kalsoonida xisbigiisa Liberal-ka iyadoo cod loo qaadey uu kaga adkaadey wasiir ka tirsanaa xukuumadiisa.

Doorasho xubnaha xisbiga Liberal-ka u qaban qaabiyeen si deg-deg ah ayaa Ra'isal wasare Tony Abbot waxaa madaxtinimada xisbigaas kaga adkaadey Malcolm Turnbull oo ka tirsanaa xukuumada Ra'isal wasaaraha xilka waayey.

Malcolm Turnbull ayaa kaga adkaadey cod bixin ka dhacdey xisbiga gudihiisa 54 xubbood halka Tony Abbot oo ahaa Ra'isal wasaaraha dalka Australia uu heley 44 cod.

Xil ka qaadista Ra'isal wasaaraha Australia uu waayey codka xisbigiisa ayaa timid maalmo kadib markii ay soo baxdey warbixin sheegeysa in xisbiga Liberal-ka shacabka Australia dhumiyeen kalsoonida ay ku qabeen.

Malcolm Turnbull warsaxafdeed uu ku qabtey magaalo madaxda Canbera subaxnimadii Isniinta 14 Sept,2015 ku sheegey in xisbiga Liberal-ka uu dhuminayo doorashooyin ka dhaca Australia hadii Tony Abbot sii ahaado Ra'isal wasaare.

Wadanka Australia oo qaabkiisa dowliga aysan ka fogeyn midka dalka Ingriiska ayaa Ra'isal waasaraha markaas xilka hayaa waxaa laga rabaa inuu madax ka yahay xisbiigsa. 

Malcolm Turnbull waa kuma 

  • Wasiirka Isgaarsiinta xukuumada Tony Abbot, isaga oo xilkaan ka dagey maanta inta uusan tartan la galin Ra'isal wasaaraha.
  • Xisbiga Liberal-ka ayuu waxaa uu hogaamiye ka ahaa 2008-2009 kadib waxaa ka qaadey madaxtinimada xisbiga Mr Abbot hal cod.
  • Malcolm Turnbull ayaa soo noqdey qareen "Lawyer" iyo gancsade magac ku yeeshey dadka Australia dhexdiisa.

GAROWEONLINE+BBC

Related Articles

Hogaamiyaasha Yurub oo indhaha ku hayo Kulanka Trump iyo Putin ee ka dhacaya Alaska

Madaxweyne Putin ayaa weli ku dheggan dalabkiisii ahaa in Ukraine noqoto dal aan dhex dhexaad ahayn.

  • Caalamka

    13-08-2025

  • 12:54PM

Putin oo Kim Jong Un kala tashaday kulanka Trump ee ku saabsan dagaalka Ukriane 

Waa mar kale oo xiriir toos ah uu dhex maro labada hoggaamiye ee Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

  • Caalamka

    12-08-2025

  • 06:16PM