Ra'isal wasaarihii hore Israa'iil oo la xirayo

Image

29 December, 2015(GO)-Rai’sal wasaarihii hore ee dalka Israa'iil Ehud Olmert, ayaa lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay arrimo la xiriira laaluusha qaadasho.

Xabsigan oo markii hore maxkamadda hoose ee Yuhuudda ayaa Olmert lix sano ku xukuntay 2014-kii, laakiin maxkamadda sare ayaa ciqaabtaasi yaraysay.

Ehud oo Todobaatan jir ah ayaa lagu helay dambi uu galay waqtigii uu ahaa duq magalada Qudus,

wuxuuna lunsaday lacago dhismayaal magaladaasi laga samayn lahaa, kahor inta uusan noqonin Rai’sal wasaare 2006-dii, isagoo jagadaasi iska casilay 2009-kii.

Wuxuu noqondoonaa nin kii ugu horeeyay ee xabsi gala isaga oo soo hogaamiyay xukuumadda Israil, waxaana ciqaabtu u bilaaban doonaa 15 bisha labaad ee sanadka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM