Rabshado Dhimasho Leh Oo Ka Dhacay Ethiopia

Image

Isku dhacyo booliiska iyo dibadbaxayaal ku dhex maray gobolka Oromada ee Ethiopia ayaa waxaa ku dhintay dhowr qof, sida ay sheegeen saraakiil iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka ee gobolka.

Gobolka Oromia ayaa waxaa saddex toddobaad ka socday dibadbaxyo ka dhan ah qorshe dowladda ay dooneyso in qeybo ka mid ah gobolka ay ugu darto magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa. 

Dadka kasoo horjeeda qorshahan ayaa sheegaya inuu carqaladeyn doono maamulka deegaanka, islamarkaana sababi doono in beeraleyda ay lumiyaan dhul.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in booliiska ay awood u isticmaaleen inay xakameeyeen ama joojiyaan mudaarhaadyada oo uu ku jiro mid khamiistii ka dhacay magaalada Bako.
 
Warbaahinta Bloomberg ayaa hoggaamiyaha caanka ah ee mucaraadka, Bekele Nega kasoo xigatay in booliiska ay dileen 10 arday oo ka qeyb qaadanayey banaanbaxyada.

Wasiirka isgaarsiinta ee Ethiopia, Getachew Reda, ayaa tirada dhimashada ku sheegay afar qof, isaga oo intaas ku daray in ciidamada ammaanka ay is-xakameynayeen intii ay socdeen dibadbaxyada.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM