Rabshado hareeyey doorashada Kenya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Doorashada ku celiska ah ee maanta ka dhaceysa dalka Kenya, ayaa waxaa hareeyey isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo dibad-baxayaal, iyo goobaha codbixinta oo aan la furan deegaanada mucaaradka ku xooggan yihiin.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ku sugnaa deegaanka Kibera ee caasimadda Nairobi, xilli ay isku dayayeen inay dhagxaan ku gooyaan goobaha codbixinta.

Rabshadaha ayaa sidoo kale ka dillaacay magaalada Kisumu, halkaasi oo tobaneeyo goobaha codbixinta ah ay xirnaayeen, islamarkaana saraakiisha doorashada la la’yahay meel ay jiraan.

Doorashada ku celiska ah ayaa timid laba bilood kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay in dib loo doorto, hase yeeshee doorashadiisa ayaa waxaa meesha ka saartay maxkamadda sare oo ku tilmaamtay sharci darro.

Si kastaba doorashada ku celiska ah ee maanta ayaa iyana qas madaxa la gashay. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay laba toddobaad ka hor, isaga oo ku eedeeyey guddiga doorashada ee IEBC inaysan wax horumar ah ka sameyn doorashada, wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa inay qaadacaan.

Bayaan uu soo saaray maalin ka hor doorashada, ayuu Odinga ku ballan qaaday in isbaheysiga uu hoggaamiyo ee NASA uu isku rodgi dono “Dhaqdhaqaaq wax iska cabin ah” oo kasoo horjeeda doorashada.

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM