Ra'iisalwasaaraha Netherlands oo ammaanay "in la diiday dadkii soo galootiga diidanaa"

Image

Ra'iisalwasaaraha dalka Netherlands Mark Rutte ayaa sheegay in dalkiisu uu diiday dadka shacbiyadda khaladka ah raadinaya isaga oo u dabaaldagaya guushii baarlamaanka ee uu xisbigiisu ka gaaray doorashada.

Iyada oo la tiriyay codadka intooda badana xisbiga VVD ayaa si sahlan ugu guulaystay xisbiga ka soo horjeeda soo galootiga iyo Midawga Yurub ee Freedom Party ee uu hogaamiyo Geert Wilders. 

Doorashadan waxaa loo arkayay in ay tijaabo u tahay taageerada ay haystaan xisbiyadda qiirada wadaninimo ay hayso ee ku soo badanaya dalalka Yurub oo dhan. 

Wilders ayaa ku adkaystay in "guga wadaniyaddu" uu wali sii di'i doono. Iyadoo la tiriyay 90% cododkii la dhiibtay xisbiga VVD ayaa ku guulaystay 33 ka mid ah 150kii kursi ee loo tartamayay, siddeed xubnood ayayna lumiyeen marka loo eego doorashadii hore. Xisbiga Freedom Party ee Wilders ayaa kaalinta labaad galay waxayna ku guulaysteen 20 kursi waxayna heleen shan kursi oo dheeri ah, xisbiyada CDA iyo D66 ayaa ku soo dhaw oo iyaguna helay 19 kursi. 

BBC

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM