Raila Odinga oo loo dhaariyay Madaxweynaha 'shacabka Kenya'

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay beerta Uhuru ee Nairobi, halkaas oo lagu dhaariyay in uu yahay "madaxweynaha shacabka" Kenya.

Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarkaasna uu hoggaamin doono Kenya.

Waxaa hareerihiisa ka muuqday qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, balse kuwii ugu muhiimsanaa sida Kolonzo Musyoka oo ku xigeenkiisa ah kama aysan muuqanin meesha.

Hadal kooban oo uu jeediyay Raila dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

Horey waxaa dalka madaxweynenimo loogu dhaariyay Uhuru Kenyatta.

Kenya ayaa hadda lugaha lasoo galaysa qalalaase siyaasadeed, maadaama labo Madaxweyne ay yeelatay, islamarkaana shacabka ku kala qeybsameen labada hogaamiye.

Xeer Illaaliyaha guud ee Kenya ayaa Raila uga digay in dhaarinta ay tahay fal qiyaano qaran ah, ciqaabtana ay tahay dil toogasho ah.

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM