Raila Odinga oo loo dhaariyay Madaxweynaha 'shacabka Kenya'

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay beerta Uhuru ee Nairobi, halkaas oo lagu dhaariyay in uu yahay "madaxweynaha shacabka" Kenya.

Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarkaasna uu hoggaamin doono Kenya.

Waxaa hareerihiisa ka muuqday qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, balse kuwii ugu muhiimsanaa sida Kolonzo Musyoka oo ku xigeenkiisa ah kama aysan muuqanin meesha.

Hadal kooban oo uu jeediyay Raila dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

Horey waxaa dalka madaxweynenimo loogu dhaariyay Uhuru Kenyatta.

Kenya ayaa hadda lugaha lasoo galaysa qalalaase siyaasadeed, maadaama labo Madaxweyne ay yeelatay, islamarkaana shacabka ku kala qeybsameen labada hogaamiye.

Xeer Illaaliyaha guud ee Kenya ayaa Raila uga digay in dhaarinta ay tahay fal qiyaano qaran ah, ciqaabtana ay tahay dil toogasho ah.

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM