​Ra’isal wasaaraha Ethopia oo raali galin bixiyay

Image

Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia oo ka hadlay TV-ga waddankaas ayaa raali galin u diray qowmiyadda Oromada, kadib markii dad badan oo iyaga kamid ah lagu laayay qalalaaso dhacay dabo yaaqaadii sannadkii tagay.

Hailemariam Desalegn, ayaa dadkii ka dambeeyay rabshadaha ku sifeeyay kuwo doonaya dhibaatooyin ka dhaca dalkaasi, wuxuuna sheegay in dowladiisu ka go’antahay qaabkii loo xakamayn lahaa.

Dhinaca kale, wuxuu tilmaamay in qowmiyadaha Ethiopia yihiin kuwa walaalo ah oo qarniyo badan soo wada noolaa, wuxuuna taas badalkeeda ka codsaday inay isdajiyaan oo nabadda ka shaqeeyaan.

Hadalka Ra’isal wasaaraha waddanka Ethiopia, ayaa kusoo beegmay xilli bishii Janaayo lasoo afmeeray dhibaatooyin bilowday markii xukuumaddu shaacisay in caasumadda Addis Ababa ku fidin doonto goobo beeralay ah oo qowmiyadda Oromadu dagaan, waxaana rabshadahaasi ku dhintey ku dhawaan 200 oo ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM