​Rex Tilleson oo la kulmay Boqorka Sucuudiga

Image
Image

JIDDAH- Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Rex Tillerson, ayaa maanta booqasho ku tagay waddanka Sucuudiga gaar ahaan magaalada Jiddah, wuxuuna la kulmay Boqorka dalka Salmaan.

Shir uu la yeeshay hogaanka Sucuudiga iyo qaar kamid ah wasiirrada xulafada uu hogaaminayso xukuumadda Riyaad ee xiriirka u jaray Qadar, ayuu kala hadlay sidii loo soo afmeeri lahaa khilaafka ka taagan waddamada Khaliijka.

Boqor Salmaan iyo Xoghaye Tillerson ayaa isku af-gartay in tallaabooyin wanaagsan horay loo qaadi doono si loo gaaro xal ku saabsan khilaafka ka dhashay eedayntii loo soo jeediyay Qadar ee ku saabsanayd inay taageerto Argagixisada.

Rex Tillerson, ayaa ka hor intuusan tagi Sucuudiga soo maray waddamada Qadar iyo Bahrain, isagoo kala soo hadlay in xaalka la dajiyo.

Maraykanka iyo Qadar ayaa kala saxiixday hishiis ku saabsan in meel looga soo wada jeesto shakhsiyaadka iyo hay'adaha taageera Argagixisada.

Dadaaladaas kadib ayuu usii gudbay Sucuudiga iyo xulafadiisa isagoo raadinayo inuu ka dhaadhiciyo fikirka uu doonayo in lagusoo afmeero khilaafka Carabta.

Dhinaca kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa la kulmay Wasiirada arrimo dibadeedyada dalalka Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Masar oo ku sugan magaalada Jeddah.

Kulamadaas ayaa lagusoo waramayaa inay meel wanaagsan marayaan, waloow aan la shaacin natiijada rasmiga ah.

5-tii bishii June, ayay ahayd markii Waddamada, Sucuudiga, Imaaraadka, Masar, Baxrayn iyo Yemen xiriirka u jareen Qadar oo lagu eedeeyay maalgalinta Argagixisada caalamka, waloow arrintaas ay iska fogaysay xukuumadda Doxa.

Qodobo lagu hordhigay Qadar si looga qaado xayiraad lagusoo rogay, ayay ka biyo diiday, iyadoo ku tilmaamtay inay wax u dhimayaan madax-bannaanida dowladda Qadar.

Khilaafka ayaa cirka isku sii shareeray, waxaana hadda ku dhex-jira Maraykanka oo doodanay inuu xiisada Qaboojiyo.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulamada uu wado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM