Riek Machar oo xabad joojin ku dhawaaqay

Image

Madaxweyne ku xigeenka dalka South Sudan Riek Machar ayaa ku biiray xabad joojinta uu shalay ku dhawaaqay ninka ay ishayaan ee Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir.

Dhowr maalmood ayaa waxaa magaalada Juba ka socday dagaal ay ku dhinteen boqollaal qof. 

Waxa uu kaga dhawaaqay xabad joojinta, intuu socday wareysi uu siinayay cidaadaha gudaha dalkaasi ka hadasha oo lagu magacaabo (Eye radio Juba). 

Afhayeen u hadlay madaxweyne Salva Kiir ayaa sheegay in loo xil saaray inuu Mr Machar kala shaqeeyo meelmarinta heshiiskii nabadda ee sanadkii tagay la saxiixay. 

Asigoo la hadlayay BBC-da, wasiirka warfaafinta ee Koofurta Sudan, Michael Makuei, waxa uu beeniyay hadallada sheegaya in madaxweyna Salva Kiir uu xilliga dagaalka u adeegsaday ciqaabidda mucaaradka. 

Taasi badalkeeda waxa uu ku andacooday in dowladda ay waxkastaa sameysay si qalalaasaha loo joojiyo.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM