Roch Marc oo ku guuleystey doorashada Burkina Faso

Image

December 1, 2015 (GO)- Roch Marc Kabore ayaa loo doortey madaxweynaha cusub ee dalka Burkina Faso, kadib doorasho taarikhi ah oo dalkaas ka dhacday shalay oo Isniin ahayd. 

Kabore ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee madani ah ee dalka Burkina Faso uu yeesho laga soo bilaabo markii uu xornimada qaatey sanadkii 1960.

Guddiga doorashada  ayaa shaaciyey in murashaxa xibiga Dhaq-dhaqaaqa Horumarinta Dadka MPPP uu helay codad gaaraya %53.5, sidaasna ay guushu ku raacday.

Doorashada oo ay 14 murashax ku tartameen waxaa ka qayb galay oo codadkooda dhiibtay shan milyan oo qof. Horay waxaa loo qorsheeyey in doorashadu qabsoonto bishii October ee lasoo dhaafay, balse waxaa dib u dhaca keenay afgembi dhicisoobay oo ay ciidamadu sameeyeen.

Madaxweynaha cusub ayaa bedeli doona Zephirin Diabre oo isagu ah madaxweynaha dowladda kumeel gaar ah ee la dhisay kadib markii xukunka laga tuuray Blaise Compaore horraantii 2014. Compaore oo xukunka afgembi kula wareegey wuxuu talada dalkaas soo hayey 27 sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM