Rouhani "Iran ku xadgudbi mayso heshiiskii laga gaarey Nuclearka"

Image

April 4, 2015 (GO)- Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in dalkiisu fulin doono dhammaan balan qaadyadii uu sameeyey ee la xiriirey heshiiskii labo maalmood kahor laga gaarey barnaamijka bacraminta hubka Nuclear-ka ee Iran.

Rouhani oo shalay khudbad ka jeediyey telefishinka dalkiisa ayaa sheegay in Iran aysan ku xadgudbi doonin heshiiska haddii dowladaha reer galbeedku sidaas si lamid ah yeelaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Iran wuxuu sheegay in heshiiskaasi baal cusub u furayo Iran, mar uu taas sharraxayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa "is afgaradkan laga gaarey barnaamijka Nuclear-ku wuxuu baal cusub u furayaa dalka Iran"

Lixda dowladood ee ugu cududda weyn dunida [United States, China, Britain, Russia, France iyo Germanay) ayaa dowladda Iran heshiis kula gaarey dalka Switzerland kaddib wada xaajood socdey muddo todobaad ah.

Qodobada heshiiska waxaa ugu muhiimsan in Iran joojiso muddo toban sano ah bacraminta barnaamijkeeda Nuclear-ka, taas bedelkeedana Iran laga qaadi doono cuna qabateynta  dhaqaalaha ee saaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM