Rouhani "Iran ku xadgudbi mayso heshiiskii laga gaarey Nuclearka"

Image

April 4, 2015 (GO)- Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in dalkiisu fulin doono dhammaan balan qaadyadii uu sameeyey ee la xiriirey heshiiskii labo maalmood kahor laga gaarey barnaamijka bacraminta hubka Nuclear-ka ee Iran.

Rouhani oo shalay khudbad ka jeediyey telefishinka dalkiisa ayaa sheegay in Iran aysan ku xadgudbi doonin heshiiska haddii dowladaha reer galbeedku sidaas si lamid ah yeelaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Iran wuxuu sheegay in heshiiskaasi baal cusub u furayo Iran, mar uu taas sharraxayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa "is afgaradkan laga gaarey barnaamijka Nuclear-ku wuxuu baal cusub u furayaa dalka Iran"

Lixda dowladood ee ugu cududda weyn dunida [United States, China, Britain, Russia, France iyo Germanay) ayaa dowladda Iran heshiis kula gaarey dalka Switzerland kaddib wada xaajood socdey muddo todobaad ah.

Qodobada heshiiska waxaa ugu muhiimsan in Iran joojiso muddo toban sano ah bacraminta barnaamijkeeda Nuclear-ka, taas bedelkeedana Iran laga qaadi doono cuna qabateynta  dhaqaalaha ee saaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM