Rousseff oo xilka laga qaadayo

Image

Aqalka Senatka Brazil, ayaa u codeeyay in madaxweyne Dilma Rousseff xukunka laga qaado, kaddib dhageysi socday xalay oo dhan oo toos looga daawanayay Tv-ga qaranka.

Konton iyo shan Senator, ayaa taageeray halka ay labo iyo labaatan ka horjeesteen. Mrs Roussef, oo ah haweeneydii ugu horeeysay oo dalka madaxweyne ka noqota, ayaa dhaqso shaqada looga joojinayaa. 

Madaxwyene ku xigeenkeeda, Michel Temer, ayaa jagada madaxweynaha sii hayn doono. 

Mrs Rousseff, ayaa la filayaa in saacado dhow dalka la hadasho. 

Waxaa lagu soo oogi doonaa eedo ay si xooggan u diidan tahay oo ah in ay qarisay inta ay la egtahay waxa ka dhiman miisaaniyadda wadanka. 

Xil ka qaadisteeda, ayaa astaan ah u ah dhamaadka waqti dheer. Xukunka bidixda ee 13ka sano, ayaa malaayiin reer Brazil ah ka saaray faqriga, balse ugu dambeyntii wuxuu wadanka geliyay hoos u dhac dhaqaale oo dheer.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM