​Rubuc Malyuun Muslimiinta Rohingya ah oo ka qaxay Myamar

Image
Image
Image
Image
Image

Waxaa aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaareen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kororka badan ay ugu wacantahay in la ogaaday dad cusub oo meelo kala ka qaxaya.

Rabshadaha ka jira Myamar ee dadka lagu qixiyay ayaa waxa ay biloowmeen kadib markii kooxo wax iska caabbin ah oo ka tirsan qoowmiyadan Rohingya ay weerareen saldhigyo booliis.

Dadka Myamar kasoo qaxaya ayaa sheegay in ciidamada militariga ay gubayaan guryaha, islamarkaasina ay dhibaataynayaan dadka.

Dowladda Myamar ayaa beenisey eedeymaha la xiriira in ay ku xad gudbayso dadka Rohingya, waxayna sheegtay in ciidamada ay la dagaalamayaan kooxo falaago ah.

Dadka soo qaxaya ayaa waxa ay galayeen dalka Bangaladesh , iyaga oo gudbayay xudduuda labada dal.

Xerooyinkii horay u jiray ee qaxootiga ayaa buuxsamay, dadka cusub ee halkaasi gaarayana waxa ay dagayaan meelo cusub.

Dadka qaarkood ayaa masaafo dheer lugeynaya, qaarkood ayaa doomo ku baxsanaya, waxaana ka mid ah illaa 300 qof oo doon ku gaaray Bangaladesh maalintii arbacada.

Dhibaatada lagu hayo dadka Rohingya ayaa walwal ka abuurtay meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxaana hoggaamiyaha dalkaasi haweeynayda lagu magacaabo Aug San Suu Kyi loogu baaqay in ay wax ka qabato.

Dadka baaqa u diray waxaa ka mid ah Desmond Tutu oo ka wada tirsanyihiin bahda dadka qaatay abaalmarinta nabadda adduunka.

Waxaa xitaa jiray baaqyo loo jeedinayo guddiga bixiya Nobel-ka oo ah in ay kala noqdaan Suu Kyi, balse guddoomiyaha guddiga abaalmarinta bixiya Berit Reiss-Andersen ayaa sheegay in aysan taas suurtogal ahayn.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM