Ruhollah Zam: Wariye mar la musaafuriyey oo la daldalay

Image

TEHRAN, Iran - Mas'uuliyiin ayaa sheegay in Iran ay dil toogasho ku fulisay wariye mar la musaafuriyey kaasoo udub-dhaxaad u ahaa banaanbaxyadii 2017 ee ka dhashay mushkiladda dhaqaale.

Telefishinka dowladda, wakaaladda wararka dowladda dd IRNA iyo mareega Nour ayaa wariyey in Ruhollah Zam la daldalay aroornimadii Sabtida maanta ah.

Bishii June, maxkamad ayaa Zam ku xukuntey dil toogasho, iyadda oo cuskaneysa "eedeymo musuqmqasuq gudaha" - taasoo ah dacwad lagu soo oogo dadka loo haysto basaasnimada ama isku dayo lagu ridayo dowladda Iran.

Todobaadkii hore, maxkamadda sarre ee Iran ayaa ayiday xukunka dilka toogashadda Zam kaasoo la qabtay 2019 kadib sanado uu musaafuris ku jiray.

Mareegga Zam iyo kanaal uu ka sameeyay Telegram ayaa aad u baahiyey wararka iyo banaanbaxyadda ay abaabulaan mas'uuliyiinta kasoo horjeeda dowladda Iran.

Boggiisq Amadnews waxaa ku taxan malaayiin dad ah kuwaasoo ku kala nool daafaha aduunka si gaar ah Bariga Dhexe.

Mudaaharaadyadda oo bilowday dhamaadka 2017-kii ayaa ahaa caqabadii cusleyd ee dowladda Iran wajahdey tan iyo dibad-baxyadii Green Movement  ee 2009, waxaana jahwareerka soo idlaadey November sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM