Russia oo Turkiga ku eedaysay inay taageerayso argagixisada

Image

24 November, 2015(GO)-Diyaar dagaal oo laga leeyahay dalka Russia ayaa maanta oo Talaada ah lagu soo riday xadka u dhaxeeya Suuriya iyo Turkiga sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga dalkaasi.

Riditaanka diyaaradan ayaa timi  ka dib markii ay gashay hawada Turkiga, kana dhaga adaygtay digniino la siiyay, waxaana sidaasi shaaciyay xubno ka tirsan Milatariga dalkaasi.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in diyaaraddan oo nooceedu ahaa Su-24  aysan maranaba ka bixin xududda Syria. Russia waxay sidoo kale sheegtay in duuliyayaashii diyaaradda ka baxeen ka hor intaysan dhicin, balse lama oga xaaladooda. 

Video laga helay goobta shilka uu ka dhacay ayaa muujinayey laba duuliye oo baarashuut ku degaya.

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay inaysan xaqiijin karin diyaaradda lasoo riday, balse ay si dhow isha ugu hayaan arrintan.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin, ayaa ka hadlay dhacdadan xilli magaalada Sochi oo kula kulmay boqorka Jordan boqor Cabdalla, wuxuuna Turkiga ku eedeeyay inay taageero siiso argagixisada.

“Tallaabada Turkiga ma jito wax lagu macneeyo oo aan ka ahayn inay tahay ficil dhabar ka toogasho oo ay sameeyeen kuwa la jira argagixisada” ayuu yiri Putin.

Falkan ayaa imaanay xilli Turkigu dhawr jeer oo hore dalka Ruushka uga digay in diyaaradihiisa dagaalka soo galaan hawadooda, waxaana diyaaradan maanta la riday xilli la siiyay 10 digniinooda, 10 daqiiqo gudahooda sida saraakisha dalkaasi sheegayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM