Ruushka oo halis galinaya Ammaanka Adduunka

Image

WASHINGTON - Dowladda Maraykanka ayaa is barbar taagtay dowladda Britain, kuna eedeeyay Ruushka in ay halis galinayaan ammaanka adduunka.

Afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa sheegtay in Britain ay ku saxantahay ceeyrinta 23-da dublamaasi ee Ruushka.

Afhayeenka ayaa waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in la xaqiijiyo in weerarka kiimikada ah ee la midka ah kii lagu qaaday basaaskii labo kaarlaha ahaa Sergei Skripal uusan markale soo laabanin.

"Falkan ugu dambeeyay ee Ruushka waxa uu ka midyahay dhaqan maalmahan ay caadeysteen oo ah in aysan wax tixgalin ah u heynin shuruucda caalamka, islamarkaasna ay ku xad gudubto qaranimada dalalka" ayay tiri Sarah Sanders.

Nin horey u ahaan jiray sirdoon Ruush ah Sergei Skripal oo 66 jir ah ayaa la qaadsiiyay maaddo sun ah, taas oo neerfaha hawlgab ka dhigta, waxa ay sidoo kale sunta saaqday gabadh uu dhalay Yulia Skripal, labadoonana waxa ay jiifaan isbitaal ku yaala Ingiriiska.

Dowladda UK ayaa Ruushka ka dalbatay in ay sharaxdo sababta keentay in maaddo kiimiko ah oo Ruushka lagu sameeyay weerar looga geysto Ingiriiska.

Balse Ruushka ayaa diiday in uu jawaab ka bixiyo., waxayna UK ka dalbeen in ay keenaan caddeymo rasmi ah oo ku wajahan eedeymaha ay jeedinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM