Ruushka oo cunaqabatayn ku soo rogay Turkiga

Image

29 November, 2015(GO)-Dalka Ruushka, ayaa sheegay inay cunaqabatay dhanka ganacsiga uga aargoosan doonaan tallaabadii Turkigu ku soo riday diyaarad dagaal oo ku sugnayd xadka ay wadaagaan dowladda Ankara iyo Suuriya.

Saraakiil ka tirsan Ruushka, ayaa tilmaamay inay xayiraad saari doonaan waxyaabaha Turkigu soo dhoofiyo, isla markaana joojin doonaan in ganacsiyadooda laga shaqaalaysiiyo muwaadiniinta dalkaasi.

Arrintan ayaa timi kadib markii raali galin laga dalbaday Ankara inay ka bixiso diyaaraddii soo riday.

Xukuumadda Erdogan, ayaa ka caga-jiidaysa inay u hogaansanto dalabka Moscow.

Khilaafka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii la isweydaarday hadallo xanaf leh, waxaana ku lug leh waddamada faragalinta ku haya colaadda Suuriya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM