Ruushka oo walaac ka qaba Daacish-ta Afghanistan

Image

Dowladda Ruushka ayaa walaac ka muujisay Daacish-ta ku xoogaysanaysa dalka Afghanistan, xili wadamada reer galbeedka ay dagaal muddo ka badan 15 sano kula jiraan Al Qaeda iyo Taliban.

Ruushka ayaa sheegay in Daacish ay kusoo baahayso goobo badan, oo katirsan dalka Afghanistan, islamarkaana ay xoojiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda dalkaasi iyo kuwa NATO.

"Waxaa si dhaw ula soconayaa xaaladda amni ee dalka Afghanistan, waxaana ka walaacsanahay Xoogaga Daacish ee kusii xoogeysanayo wadanka, iyo weerarada argagaxiso ee ay geysanayaan," ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Ruushka.

Dowlada Ruushka waxay kaloo sheegtay inay diyaar u tahay in Afghnaistan ay ka gacan siiyo dagaalka ay ku jirto Kooxaha Islaamiga ah, oo Daacish ay kamid tahay.

Hadalka Ruushka wuxu kusoo beegmayaa xilli Wasiirka arrimaha dibada Afghanistan Salahuddin Rabbani lagu wado inuu booqasho ku tago magaalada Moscow February 7, halkaasi oo kulamo kula qaadan doono dhigiisa Sargay Lafroof.

Afghanistan waxaa ka taagan colaad dad badan ay ku dhinteen wixii ka dambeeyay markii ciidamada NATO ay ku duuleen dalkaasi 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM