​RW Ethiopia oo kulan deg deg ah isugu yeeray Madaxda IGAD

Image

Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray madaxda waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Guddoomiyaha ururka Hailemariam Desalegn, ayaa waraaq uu u diray madaxdaas ku sheegay in todobaadka dambe la isugu yimaado shir ka dhacaya magaalada Addis Ababa si looga arrinsado xaaladda cakiran ee waddanka Suudaanta Koonfureed.

Dalka ugu yar fac ahaan dunida, waxaa ka taagan qalalaaso siyaasadeed iyo dagaal u dhaxeeya Madaxda waddankaas, waxaana fashilmay xabad joojin lagu gaaray waddanka Ethiopia.

RW Hailemariam, ayaa madaxda ururkaas ka codsaday inay la yimaadaan cod midaysan oo looga hadlayo arrimaha dalkaas.

Wuxuu ku baaqay in wax laga qabto colaadda South Sudan isagoo walaac ka muujiyay dhibaatada haysata dadka shacabka ah ee lagu dhex dagaallamayo.

12 bishan ayaa la filayaa inuu qabsoomo shirkaas iyadoo lagu wado inuu tago Madaxweynahe Maxamed Cabdullaahi Farmajo, Maadama Somalia ay kamid tahay waddamada ku jira ururkaas.

IGAD, ayaa hishiis aan miro dhalin dhex dhigtay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka dalka Sudan, kuwasoo isku haya siyaasadda dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM