​RW Japan oo jeediyay khudbad Xusuus galisay Maraykanka

Image
Image
Image
Image
Image

Ra'isal wasaaraha dalka Japan Shinzō Abe iyo madaxweynaha xafiiska kasii dagaya ee dalka Maraykanka Brack Obama ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay saldhigga ciidamada badda waddankaas ee Pearl Harbor.

Abe, ayaa halkaas ka jeediyay khudbad qiiro galisay dadka reer Maraykanka maadama uu soo xasuusiyay weerarkii Japan uu ku qaaday goobtaas December 7, 1941 oo ay ku dhinteen 2,400 oo shacab ah.

Wuxuu sheegay in dadkiisu ay wacad ku mareen in aan dib loogu noqonin masiibadii dagaalka.

"Waxaan wadaa tacsi iyo in dadka reer Japan wacad ku mareen sidii labada dalka xiriirkooda u hagaajin lahaayeen,"Ayuu yiri Abe oo khudbad dheer jeediyay.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu  Maraykanka ku ammaanay dadaalka uu galiyay sidii uu u hagaajin lahaa calaaqaadka uu Japan la leeyahay ka dib dagaalkii ay labada dal galeen oo dhammaaday waxyar uun ka dib markii USA ku riday Japan qunbulado nukliyeer ah bishii sideedaad ee sanadkii 1945-tii, taasoo ay ku naf-waayeen in kabadan .

Obama oo isna hadal kooban jeediyay ayaa soo dhaweeyay xiriirka labada dal iyo ififaalaha wanaagsan ee socda.

Waa markii ugu horaysay Ra'isal wasaare Japan kasocda uu tago Maraykanka wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee adduunka, waxaana arrintan timid xilli Obama uu isna booqasho taariikhi ah ku tagay dalkaas isagoo booqaday magalaada Hiroshima oo xukuumadda Washington duqaysay dagaalkii labaad ee dunida halkaasoo ay ku geeriyoodeen in kabada Hal Million oo ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM