Rwanda oo ka bilaabanaya xuska xasuuqii loo gaystay qoomyada Tutsiga ee laga tirada badnaa

Image
Rwanda ayaa berri xuseysaa sannad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay xasuuqii Tuutsiga loo gaystay.

Kigali (GO) - Rwanda ayaa berri xuseysaa sannad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay xasuuqii ay Qowmiyadda Hutu u geysteen qowmiyadda laga tirada badanyahay ee Tutsiga 1994-tii.

Xasuuqa ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 800,000 oo qof oo isugu jira rag, dumar iyo carruur, kuwaas oo u badnaa qowmiyadda Tutsiga, iyo sidoo kale Hutu-ga ku baaqayay in la joojiyo xasuuqa.

Soddon sano ka dib, dalkan yar ayaa dib isu dhisay taliskii madaxweyne Paul Kagame, laakiin dhaxalka naxdinta leh ee xasuuqa ayaa wali laga dareemaya dalka.

7-da Abriil, oo ah maalintii ay kooxaha xagjirka ah ee Hutu iyo maleeshiyaadku bilaabeen ololahooda dilka ee foosha xun 1994-tii, waxaa xusi doona Kagame oo tooshka ku ifaya Xasuuqa Kigali, halkaas oo la rumeysan yahay in lagu aasay in ka badan 250,000 oo dhibanayaal ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM