Sacuudi Carabiya oo amar dul-dhigay Xujeyda sanadka 2021

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay "dadka tallaalan" oo keliya ay heli doonan rukhsad ay oogaan salaadda iyo cumrada Masjidka weyn ee Maka.

Mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa Isniintii tibaaxay in kaliya dadka laga tallaalay COVID-19 loo oggolaan doono inay gutaan acmaasha sanadka oo dhan, laga bilaabo bisha barakeysan ee Ramadaan.

"Kuwaas waxaa ka mid ah shakhsiyaadka helay laba goojo oo ah tallaalka COVID-19, kuwa helay hal goojo oo tallaal ah ugu yaraan 14 maalmood ka hor gudashada xajka, ama qof ka bogsaday fayraska," ayay wasaaraddu tiri.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in wasaaradda ay kordhinayso awoodda hawlgalka ee masjidka barakaysan iyadoo la raacayo tallaabooyinka iyo xaddidaadda COVID-19.

Waxa kale oo aan caddayn in siyaasaddan, oo imanaysa iyada oo ay kor u kacday heerka faafitaanka coronavirus ee Sacuudi Carabiya, in loo kordhin doono Xajka dabayaaqada sanadkan.

Sacuudi Carabiya waxay soo tabisay in ka badan 393,000 oo kiisas oo safmareenka Coronavirus iyo in ka badan 6,700 oo u dhintey fayruska guud ahaan waddanka.

Wasaaradda caafimaadka ee boqortooyada ayaa shaaca ka dhigtey in ay maamushay in ka badan shan milyan oo tallaalka coronavirus, wallow dadka Sacuudiga ay yihiin ka badan badan 34 milyan oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia oo markii ugu horreysay haweeney u magacowday hoggaanka ciidanka

Susan Coyle oo 55 jir ah, ayaa milatariga ku biirtay sannadkii 1987-kii, waxayna soo qabatay xilal kala duwan oo hoggaamineed.

  • Caalamka

    13-04-2026

  • 08:13AM

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM