Sacuudi Carabiya oo dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Qaramada Midoobay

Image
Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay inuu jiro "khilaaf sii kordhaya" oo u dhexeeya labada waddan.

Riyadh (GO) - Dukumeenti rasmi ah oo lagu daabacay website-ka Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday diidmada Sacuudi Carabiya ee ku dhawaaqida Imaaraatka in dhulka "Al Yasat" uu yahay aag badeed la ilaaliyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay, sida ku xusan qoraalka Qaramada Midoobay, in Boqortooyada “aysan aqoonsan... wax tallaabo ah oo ay qaado dowladda Imaaraadka Carabta kuna aadan aagga "Al Yasat" oo ku yaal xeebaha Sacuudiga.”

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Imaaraadka.

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo warbaahinta Maraykanku ay sheegtay inuu jiro "khilaaf sii kordhaya" oo u dhexeeya labada waddan, kaas oo ku saabsan xiisada Yemen iyo go'aamada Ururka Waddamada Shidaalka dhoofiya (OPEC).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM

Pentagon oo miiska saaray qorshe lagu dhimayo ciidamada Mareykanka ee Yurub

Tallaabadaasi waxay saameyn ku yeelan kartaa ciidamo Mareykan ah oo ku kala sugan dalal badan oo NATO ah.

  • Caalamka

    22-09-2026

  • 08:41PM