Sacuudi Carabiya oo shuruud ku xiray soo afjarida go'doominta Qadar

Image

WASHINGTON, US – Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, ayaa xusay in la xalin karo xiisada saddex sano jirtsatay ee kala dhaxeysa Qadar kadib la kulanka dhigiisa dalka Mareykanka, Mike Pompeo.

Sanadkii 2017-kii, Riyadh oo ay wehliyaan xulafeeda Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jaray Dooxa kuna soo rogay xayiraad dhanka isugu jirta dhinacyadda dhulka, cirka iyo Badda.

"Way naga go'an tahay in aan helno xal," ayuu Khamiistii ka yiri dood uu soo agaasimay Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga dhow.

Amiir Faysal oo rajeeyay in Qadar ay la qaadan doonto mowqifkaas xal-doonimada ah ayaa shuruuda kaliya ee isu soo dhowaanshiyaha hortaagan wuxuu caddeeyay in ay tahay wax ka qabashada "walaaca ammaanka".

"Hadii aan isla helno qaab aan horey ugu sii socon karno walaaca amniga, waxaan war wanaagsan u noqon doonaa gobolka," ayuu tibaaxay.

Afarta dal ee go'doomiyay Qadar ayaa ku eedeeyay in ay taageerto "argagixiso", in ay faraglineyso siyaasadooda arrimaha gudaha iyo in ay xiriir dhow la leedahay Iiraan. Dooxa waxay qashinka ku dartay eedeymahaas.

Xilli isku dayo badan fashilmeen markii Dooxa diidey dalabyada; xiritaanka Al-Jazeera Tv, joojinta taageerada Kooxaha Islaamiyiinta, yareynta xiriirka Iiraan iyo eryida ciidanka Turkiga, Washington ayaa wali olole hoose wadda.

Amiirka Qadar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo wariyey in ay diyaar u yihiin wadahadal lagu dhameeyo qalalaasaha diblumaasiyadeed ayaa ku adkeystay in xal walba uu noqdo mid ixtiraamaya madaxbabaanida wadankiisa.

Bishii June, Kuwait, oo u kala dab-qaadeysay Qadar iyo afarta dal Carbeed, ayaa tilmaamtay in dedaalo ay socdaan, balse horumar aan laga sameyn.

Wasiirka arrimaha dibada Qadar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo bishii December tabiyey in shirar dhacay ay soo afjareen xiisada, ayaa bil kadib wuxuu shaaca ka dhigay in dedaaladaas aysan wali miradhalin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM