Sacuudi Carabiya oo soo dhaweysay magacaabista QM ee ergeyga la dagaalanka "Islaam nacaybka”

Image
Qaramada Midoobay ayaa soo qaadday tallaabooyin lagula dagaallamayo Islaam nacaybka.

Riyadh (GO) - Sacuudi Carabiya ayaa soo dhawaysay qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu soo saaray tallaabooyin lagula dagaallamayo Islaam nacaybka laguna magacaabay ergeyga gaarka ah ee la dagaalanka "Islaam nacaybka”.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga oo lagu daabacay akoonkeeda “X” ayaa lagu yiri:

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay muujineysaa sida Boqortooyada Sacuudiga ay u soo dhaweyneyso qaraarka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan tallaabooyinka iyo magacaabista lagu dhawaaqay.”

War-saxaafadeedku waxa uu intaas ku daray: “Wasaaraddu waxay dib u xaqiijinaysa taageerada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee dadaallada caalamiga ah ee looga golleeyahay la-dagaallanka fikradaha xagjirka ah iyo joojinta maalgelintooda”.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay dhiirigelinta Boqortooyada ee qiyamka nabadda iyo wada-hadallada u dhexeeya dadka raacsan diimaha kala duwan, iyo kor u qaadida dhaqanka wada noolaanshaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM