Sacuudi Carabiya oo soo dhaweysay magacaabista QM ee ergeyga la dagaalanka "Islaam nacaybka”

Image
Qaramada Midoobay ayaa soo qaadday tallaabooyin lagula dagaallamayo Islaam nacaybka.

Riyadh (GO) - Sacuudi Carabiya ayaa soo dhawaysay qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu soo saaray tallaabooyin lagula dagaallamayo Islaam nacaybka laguna magacaabay ergeyga gaarka ah ee la dagaalanka "Islaam nacaybka”.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga oo lagu daabacay akoonkeeda “X” ayaa lagu yiri:

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay muujineysaa sida Boqortooyada Sacuudiga ay u soo dhaweyneyso qaraarka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan tallaabooyinka iyo magacaabista lagu dhawaaqay.”

War-saxaafadeedku waxa uu intaas ku daray: “Wasaaraddu waxay dib u xaqiijinaysa taageerada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee dadaallada caalamiga ah ee looga golleeyahay la-dagaallanka fikradaha xagjirka ah iyo joojinta maalgelintooda”.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay dhiirigelinta Boqortooyada ee qiyamka nabadda iyo wada-hadallada u dhexeeya dadka raacsan diimaha kala duwan, iyo kor u qaadida dhaqanka wada noolaanshaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM

Xiisada Mareykanka iyo Canada oo sii xoogeysatay

War uu ku qoray bartiisa Truth Social, Trump ayaa Canada ku tilmaamay "waddan aad u adag marka la eego ganacsiga"

  • Caalamka

    28-06-2025

  • 11:18AM