Sacuudiga oo dil la raba "dadkii dilay Khaashuqji"

Image

Dacwad oogaha guud ee Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in lagu tuhmayo dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

Khaashuqji oo ahaa weriye si weyn u dhaliila dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay labadii October markii uu booqday qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha Sacuudiga ayaa maanta sheegay in Khaashuqji la duray sunta dadka disha kadibna jirkiisa cad cad loo jaray.

Dowladda Sacuudiga ayaa sharaxaado kala duwan bixineysay tan iyo markii Khaashuqji la waayey, oo ay ka mid ahaayeen inay mar sheegtay inuu qunsuliyadda si nabdoon uga baxay, inuu ku dhintay gacan ka hada,l iyo in lagu dilay howlgal ay fuliyene koox fallaago ah.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in ciqaabta dil loo codsaday shan ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan inay amreen oo ay fuliyeen dilka, halka lix kale oo lagu eedeeey inay kaalin ku lahaayeen dilka ay helaan xukunka ku haboon.

Sacuudi Carabiya ayaa dhinaca kale weydiisatay Turkey inay gacan ka geysato soo gudbinta akhbaaraadka lagu ogaaday baaritaankii ay ku sameeyeen dilka.

VOA

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM