Sacuudiga oo sameysanaya diyaarad kale oo heer qaran ah

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salman, ayaa Talaadadii ku dhawaaqay qorsheyaal ay kamid tahay mid lagu aas-aasayo diyaarad labaad oo heer qaran ah isla markaana caalami ah.

Qorshahan ayaa lagu waramay in uu qeyb ka yahay istiraatiijiyad ballaaran oo boqortooyada ay dooneyso in ay ku noqoto xarun caalami ah oo dhanka saadka ah ugana maarmeyso ku tiirsanaanta shidaalka.

Talaabadan ayaa gelinaysa Saudi Arabia kaalinta shanaad ee adduunka marka la eego duulimaadyada hawada, sida ay sheegtey warbaahinta rasmiga ah ee dowladda, iyada oo aan faahfaahin laga bixin goorta iyo sida loo abuuri doono diyaaradda.

Dhaxalsugaha Amiir Maxamed ayaa hogaaminaya dedaalo Sacuudiga ku doonayo in uu ku leeliyo dhaqaalaha dunida Carabta iyo gobolka Khaliijka "si loo kordhiyo dakhliga aan saliida ahayn ilaa 45 bilyan riyaal ($12bn) marka la gaaro sanadka 2030".

Qorshahan ayaa loo marayaa horumarinta dekedaha, tareenada, isku-xirka wadooyinka, qaybta gaadiidka, saadka iyo wax-soosaarka guud ee gudaha ilaa boqolkiiba 10 boqolkiiba lix, sida ay xustey wakaalada wararka dowlada ee loo yaqaano SPA.

Sida ku xusan warbixinta SPA, soo kordhinta shirkad diyaarad kale oo Sacuudigu leeyahay ayaa waxay sarre u qaadi doontaa tirada duulimaadyada caalamiga ee tagaya Sacuudiga kaasoo hadafku yahay in la gaarsiiyo 4.5 milyan oo xamuul ah.

Qorshahan fog ayaa looga goleeyahay in lagu soo gabagabeeyo dhibaatooyin Sacuudigu wajahayo oo u badan dhanka dhaqaalaha taasoo ka dhashay aafadda dunida gilgishay ee Coronavirus iyo dagaalka ay ka waddo waddanka Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM