Safiir ka shaqeeyay Soomaaliya oo xil sare loo dhiibay

Image

COPENHAGEN, Denmark – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Mette Knudsen wuxuu u magacaabay ku xigeenka wakiilka UN-ka u qaabilsan dalka ay colaaduhu la dageen ee Afghanistan.

Knudsen ayaa horey u soo noqotay ergayga Denmark u qaabilsan wadamadda kala ah; Kenya, Greece, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si gaar ah Soomaaliya, bishii October 5-teeda, sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii Mette Knudsen uu madaxweynihii 8aad ee waddanka, Xasan Sheekh Maxamuud, ka guddoomay waraaqaha safiirnimo.

Konton iyo sideed sano [58] jirtan u dhalatay Denmark oo shaqada safiirnimo ka tagtay 18-kii Febraayo ayaa xilka cusub ee Qaramada Midoobay waxay la wareegeysaa 16-ka Febraayo ee sanadkan cusub 2021-ka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Denmark oo war-saxafadeed soo saartey Sabtida maanta ah ayaa waxay si diiran u soo dhaweysay magacaabida Mette Knudsen, waxayna u rajeysay in ay ku guuleysato waajibaadkeeda.

Denmark ayaa kamid ah dalalka taageerada balaaran siiya howlgalka Qaramada Midoobay ee Afghanistan kaasoo loo yaqaano UNAMA.
"Magacaabida Mette waxay ka marag-kaceysaa in waqtiga badan ee ay ku bixisay horumarinta diblumaasiyadda Denmark iyo horumarka iskaashiga caalamiga ah – waxay aqoonsi wanaagsan u tahay waxqabadka Denmark ee Afghanistan, waana ku faaneynaa shaqadeeda," ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Inta badan diblumaasiyiinta dalalka reer Galbeedka ayaa markii uu ka dhamaado muddo xileedkooda safiirnimo ee wadamada ay ku metelayeen Soomaaliya waxaa loo dalacsiiyaan jagooyin kale oo qaarkoo UN-ka kamid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM