Safiirka cusub Somalia oo u bandhigay Obama waraaqaha aqbalaada

Image

18 September, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa shalay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad wuxuu waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Somalia u fadhin doona Maraykanka Axmed Ciise Cawad.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa kawada hadlay arrimo la xiriira Somalia iyo qaabkii loo hormarin lahaaa.

Axmed Ciise  Cawad Danjiraha Somalia ee Maraykan ayaa Iddaacada VOA–da u sheegay in Obama daneynayo arrimaha Somalia, isla markaana dhowaan la furi doono safaaradda cusub ee magaalada Washington.

Cawad ayaa badalay Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqday safiir Somalia ee Maraykanka muddo labaatan sano ah ka dib.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Cunaqabateyn ku soo rogay Madaxweynaha Colombia iyo Qoyskiisa

Xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Colombia, oo muddo dheer ahaa saaxiibka ugu muhiimsan ee Washington ee Koonfurta Ameerika.

  • Caalamka

    25-10-2025

  • 09:20AM

Wiilka Trump oo dowladda aabihiisa siisay qandaraasyo uu ka taajiray

Warbixintu waxay sheegtay in Don Jr uu haysto 200,000 oo saamiyo oo uu ka helay shirkadda Unusual Machines sanadkii hore.

  • Caalamka

    25-10-2025

  • 06:17AM