Safiirka dalka Ruushka u fadhiyey Turkiga oo toogasho lagu diley

Image
Image

ANKARA- Safiirka wadanka Ruushka u fadhiya dalka Turkiga  Andrei Karlov ayaa waxaa toogtey qof hubeysan, talabadaan oo la rumeysan yahay in looga soo horjeedo faragalinta dowlada Moscow ku hayso wadanka Syria.

Weerarkaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmey dad kale maalin kadib markii mudaharadayo looga soo horjeedo dagaalka ciidamada Ruushka ku lug leeyihiin kasoo dowlada Syria dib ugu qabsatey magalada Xaleb.

Safiirka ayaa markii la tooganayey ka qayb galayey bandhig taariikheed dowladiisu ku sameyneysay magaalada Ankara.

Booliska Turkiga ayaa sheegey mar dambe iney dileen qofkii toogashada Gaystey.

Andrei Karlov ayaa markii dhaawaca uu soo gaarey loo qaadey Isbitaalka balse mar dambe ayaa wasarada arimaha dibada Ruushka xaqiijisay inuu u dhintey dhaawacii soo gaarey.

Ninka toogashada sameeyey ayaa ku labisnaa dharka dadka xaflada ka qayb galaya isagoo lasoo baxay bistoolad kuna qaylinaya Syria iyo Xaleb ayaa rasaas la beegaasadey safiirka.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM