Safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo toogasho lagu dilay

Image
Image

Safiirka Ruushka u fadhiyay Ankara, ayaa goor dhow lagu dilay dalka Turkiga, waxaana falkaas gaystay rag Bastoolado ku hubaysan.

Andira Karlov waxaa uu u dhintay dhaawac xabadeed oo ku dhuftay nin ku hubeysan baskoolad kaas oo markuu xabadaha bilaabay ku dhawaaqayay Allahu Akbar waxaana safiirka uu ku dhuftay laba xabadood taas oo uu u geeriyooday.

Eryadda kale ee uu ku dhawaaqayay waxaa ka mid ahaa "ha iloobin allepo ...... ha iloobin suuriya.!"

Mareykanka ayaa durba cabaareyay dhacdadan waxaana uu tilmaamay inay la murugoonaya ehelada safiirka.

Weerarka safiirka ayaa dhacay xilli uu ka hadlayay goob madxaf ah.

Ninka hubeysan ayaa safiirka Ruuush waxaana uu xabadda kaga dhuftay dhabarka, xabad kale waxaa uu ku dhuftay markuu dhulka ku dhacay.

Ninka dilay ayaa la sheegay inuu xarunta ku soo galay card Police waxaana uu sitay baskoolad suit iyo tie.

Sawirka waxaa ka muuqda ninka dili doona safiirka oo gadaashiisa taagan iyo isaga oo safiirka dilay.

Ruushka, ayaa iyaguna ka hadlay oo geerida Xaqiijiyay.

Labada waddan we Ruushka iyo Turkiga ayaa xiriirkoodu aad u xunyihiin.

Ma jirto faahfaahin kale oo laga hayo dhacdada 

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM