Safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo toogasho lagu dilay

Image
Image

Safiirka Ruushka u fadhiyay Ankara, ayaa goor dhow lagu dilay dalka Turkiga, waxaana falkaas gaystay rag Bastoolado ku hubaysan.

Andira Karlov waxaa uu u dhintay dhaawac xabadeed oo ku dhuftay nin ku hubeysan baskoolad kaas oo markuu xabadaha bilaabay ku dhawaaqayay Allahu Akbar waxaana safiirka uu ku dhuftay laba xabadood taas oo uu u geeriyooday.

Eryadda kale ee uu ku dhawaaqayay waxaa ka mid ahaa "ha iloobin allepo ...... ha iloobin suuriya.!"

Mareykanka ayaa durba cabaareyay dhacdadan waxaana uu tilmaamay inay la murugoonaya ehelada safiirka.

Weerarka safiirka ayaa dhacay xilli uu ka hadlayay goob madxaf ah.

Ninka hubeysan ayaa safiirka Ruuush waxaana uu xabadda kaga dhuftay dhabarka, xabad kale waxaa uu ku dhuftay markuu dhulka ku dhacay.

Ninka dilay ayaa la sheegay inuu xarunta ku soo galay card Police waxaana uu sitay baskoolad suit iyo tie.

Sawirka waxaa ka muuqda ninka dili doona safiirka oo gadaashiisa taagan iyo isaga oo safiirka dilay.

Ruushka, ayaa iyaguna ka hadlay oo geerida Xaqiijiyay.

Labada waddan we Ruushka iyo Turkiga ayaa xiriirkoodu aad u xunyihiin.

Ma jirto faahfaahin kale oo laga hayo dhacdada 

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM

Israel oo markale weerari doonta Iran

Saraakiisha Israa'iil iyo Pentagon-ka ayaa hadda qiyaasaya in weeraradii ugu dambeeyay ay barnaamijka Iran dib u dhigeen ilaa laba sano. 

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 11:07AM