Sagaal ku dhimatey gaari lagu jiirsiiyey suuq ku yaal magaalada Berlin

Image

Sagaal qof ayaa ku dhintay ilaa konton kalena waa ay dhaawacmeen, kadib markii gaari wayn lagu dardarsiiyay dad jooga suuq Chrismas-ka ee magaalada Berlin, sida uu sheegay boliiska.

Boliiska ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin inuu ahaa weerar loogu tala galay.

Darawalkii gaariga ayaa la xiray sida ay sheegayaan warfaafinta qaar.

Video muujinaya goobta ayaa laga arkayaa dad dhaawac ah oo dhulka yaala iyo meelihii alaabada lagu iibinayay oo burburay.

Suuqa ayaa ku yaala Breitscheidplatz, oo u dhow kaniisada Kaiser Wilhelm ee Kurfuerstendamm ee galbeedka Berlin.

Wariye u soo warama Berliner Morgenpost, ayaa ku tilmaamay waxa uu arkay wax aad u xun.

Weerarka ayaa dadka soo xasuusiyay weerakii gaariga loo isticmaalay ee ka dhacay magaalada Nice ee Faransiiska, maalintii xornimada ee Bastille Day oo dadka ay u dabaaldagayeen 14 July.

Weerarka oo ay ku dhinteen 86 qof, waxaa sheegatay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga.
BBC

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM