Sarkaal abaalmarin qaali ah lagu siiyey shaqo uu ka qabtay Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Taliyaha booliska ismaamulka Gloucestershire ee waddanka Ingiriiska, Rod Hansen, ayaa la guddoonsiiyey abaalmarinta boqorada ee bileyska, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee Britain.

Biladan oo la aas-aasay 31-sano kahor waxaa lagu siiyaa saraakiisha booliska UK iyo dalalka barwaaqa-sooranka, iyadoo lagu qirayo dedaaladooda iyo wax-qabadkooda mudadii ay ku guda jireen xirfada ciidanka.

Abaalmarintan oo la yagleelay 19-ka bishii May ee sanadka markii uu ahaa 1954-tii ayaa qayb ka ah dabaaldega dhalashada boqoryadda.

Sidda lagu daabacay bogga Gazette Series, mid kamid ah shaqooyinka uu Mr Hansen abaalgudkan ku muteystay waxaa kamid ah in uu ciidamada UK ee jooga Soomaaliya kala talin jiray arrimaha tabarida booliska.

Sidoo kale, wuxuu mas'uul ka ahaa in uu dusha kala socdo tababar intii la isku diyaarinayey tartanka Olombikda 2004 loo fidiyey booliska Gariiga kuna saabsanaa wadaxaajoodka dulaalada lahaysteyaasha.

Mr Hansen oo ka falceliyey guushan u soo hootay ayaa wuxuu ka muujiyey farxad weyn, wuxuuna carabka ku dhuftay in uusan filayn.

"Booliska waa shaqo adag. Shaki la'aan, tani waxay iga caawineysaa in aan waajibaadkeyga u sii guto sidii ay ahayd. Ugu dambeyntii, waxaan u adeegnaa shacabka, waana ku faraxsanahay in tani ay noqotay qayb kamid ah shaqadeyda," ayuu Mr Hansen kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Ingiriiska ayaa kamid ah daneeyeyaasha ugu weyn ee Soomaaliya. Tababaro ayuu u fidiyaa ciidamadda Soomaaliya. Taakuleyn maaliyadeed iyo mid siyaasadeed waa doorkiisa geedi u socodka dowlad dhiska waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM