Sarkaal abaalmarin qaali ah lagu siiyey shaqo uu ka qabtay Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Taliyaha booliska ismaamulka Gloucestershire ee waddanka Ingiriiska, Rod Hansen, ayaa la guddoonsiiyey abaalmarinta boqorada ee bileyska, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee Britain.

Biladan oo la aas-aasay 31-sano kahor waxaa lagu siiyaa saraakiisha booliska UK iyo dalalka barwaaqa-sooranka, iyadoo lagu qirayo dedaaladooda iyo wax-qabadkooda mudadii ay ku guda jireen xirfada ciidanka.

Abaalmarintan oo la yagleelay 19-ka bishii May ee sanadka markii uu ahaa 1954-tii ayaa qayb ka ah dabaaldega dhalashada boqoryadda.

Sidda lagu daabacay bogga Gazette Series, mid kamid ah shaqooyinka uu Mr Hansen abaalgudkan ku muteystay waxaa kamid ah in uu ciidamada UK ee jooga Soomaaliya kala talin jiray arrimaha tabarida booliska.

Sidoo kale, wuxuu mas'uul ka ahaa in uu dusha kala socdo tababar intii la isku diyaarinayey tartanka Olombikda 2004 loo fidiyey booliska Gariiga kuna saabsanaa wadaxaajoodka dulaalada lahaysteyaasha.

Mr Hansen oo ka falceliyey guushan u soo hootay ayaa wuxuu ka muujiyey farxad weyn, wuxuuna carabka ku dhuftay in uusan filayn.

"Booliska waa shaqo adag. Shaki la'aan, tani waxay iga caawineysaa in aan waajibaadkeyga u sii guto sidii ay ahayd. Ugu dambeyntii, waxaan u adeegnaa shacabka, waana ku faraxsanahay in tani ay noqotay qayb kamid ah shaqadeyda," ayuu Mr Hansen kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Ingiriiska ayaa kamid ah daneeyeyaasha ugu weyn ee Soomaaliya. Tababaro ayuu u fidiyaa ciidamadda Soomaaliya. Taakuleyn maaliyadeed iyo mid siyaasadeed waa doorkiisa geedi u socodka dowlad dhiska waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM