Sarkaal Ameerikan ah lana shaqeynayey AMISOM oo la xiray

Image

ANKARA, Turkey – Ciidamada booliska Turkiga ayaa gacanta ku dhigay sarkaal Ameerikaan ah kaasoo la shaqeynayey Howlgalka Midowga Afrika AMISOM, sidda uu daaha ka rogay wargeyska afka dheer ee Daily Sabaax.

Mark John Xenakes oo kasoo jeeda gobolka Pennsylvania ee Mareykanka ayaa loo haystay in aag aan la ogoleyn uu diyaarad drones ah ku kiciyey.

Xenakes oo la xiray Axadii wuxuu u sheegay baareyaasha in uu la socon xaalada meesha uu diyaarada ku duuliyey. Wararka warbaahinta warineyso waxay isku khilaafayaan tafaasiisha goobta lagu qabtay ninkan.

Warbixino qaar waxay ku sheegayaan in ay tahay aag ciidan, halka kuwa kalena ay ka gaabsadeen taasoo ka dhigan in aan la ogeyn sababta dhabta ah ee aagaas looga mamnuucay in dadka ku duuliyo drones-yada.

La-tuhunsanaha ayaa u sheegay booliska in uu la shaqeeyo shirkad duulimaadka qaabilsan taasoo qandaraas ka haysata ciidamada Mareykanka. Ciwaanadiisa baraha bulshadda waxay soo bandhigeen xogo dheeri ah.

Shirkadda UAV oo la shaqeysa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya – AMISOM – ayuu ka yahay sarkaal dhanka isgaarsiinta ah.

Eedeysanaha oo Turkiga soo galay 21-kii September ayaa sidoo kale wuxuu u sheegay ciidamadda in uu muuqaalo la duubayey ceelasha taarikhiga ah ee ku yaala degmadda Sur ee ka tirsan magaalada Diyarbakır.

Saxaafadda ayaa ku warameysa in Xenakes uu xorriyadiisa dib u helay Axadii kadib markii lagu amray in uu bixiyo ganaax lacageed oo aan la shaacin balse lagu qeexay in ay tahay "mid maamulka uu soo go'aamiyey".

Duuliyeyaasha drones-ka ee ogolaanshiyo la'aanta kiciyo qalabkooda ayaa inta badan waxaa lagu ganaaxaa $1,159, iyaddoo loo cuskanayo in ay khatar ku yihiin ammaanka dadweynaha gaar ahaan diyaaradaha rakaabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM