Sarkaal Boliiska Kenya katirsan oo Lamu lagu dilay

Image

26 December, 2015(GO)-Weerar loo adeegsaday Bomb lagu aasay waddo dhinaceed ayaa lagu dilay sarkaal katirsan ciidanka Booliiska Kenya, labo kalena waa lagu dhaawacay, sida ay xaqiijiyeen ururka Al-Shabaab iyo saraakiisha amniga Kenya.

Falkan ayaa ka dhacay deegan xeebeedka Lamu, waxaana fuliyay mallayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay kooxdaasi oo lagu magacaabo Sheekh Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa Wakaaladda wararka Reutres u sheegay inay weerareen ciidanka oo ku sii jeeday Lamu, wuxuuna tilmaamay inay dhinteen tiro katirsan ciidanka, kadib markii miinadu qaraxday rasaasna la isweydaarsaday.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM