​Sarkaal katirsan Xisbullah oo lagu dilay Ciraaq

Image

Hogaamiye sare oo katirsanaa Ururka Xisbullahi ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Koonfurta dalka Ciraaq, sida ay sheegeen Saraakiisha dalkaasi.

Hogaamiyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Bassem al-Safi ayaa u dhintay dhaawac culus, oo kasoo gaarey rasaas ay Koox hubaysan ku fureen Gaari uu la socday, xilli uu marayay gudaha magaalada Basra.

Bassem al-Safi, wuxuu ahaa hogaamiyaha Koox lagu magacaabo Hashd al-Sha’abi, oo ah Garabka Ururka Xisbullahi u qaabilsan wadanka Iraq, wuxuuna qeyb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Warbaahinta Iraq ayaa sheegtay in Kooxdaas Bassem al-Safi, ay ku birtay Duulaan Bishii October 17, 2016 ay ciidamada dowladda Iraq iyo Xoogaga Kurdiyiinta Peshmerga ay ku qaadeen magaakada Mosul.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka sarkaalkaas.

Ururka Xisbullahi, oo fadhigiisu yahay dalka Lebanon, ayaa taageero ka hela dowladaha Shiicada hogaamiyaan ee gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan Syria iyo Iraq  kuwaasoo dagaal  kula jira Al Qaeda iyo Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM