​Sarkaal katirsan Xisbullah oo lagu dilay Ciraaq

Image

Hogaamiye sare oo katirsanaa Ururka Xisbullahi ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Koonfurta dalka Ciraaq, sida ay sheegeen Saraakiisha dalkaasi.

Hogaamiyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Bassem al-Safi ayaa u dhintay dhaawac culus, oo kasoo gaarey rasaas ay Koox hubaysan ku fureen Gaari uu la socday, xilli uu marayay gudaha magaalada Basra.

Bassem al-Safi, wuxuu ahaa hogaamiyaha Koox lagu magacaabo Hashd al-Sha’abi, oo ah Garabka Ururka Xisbullahi u qaabilsan wadanka Iraq, wuxuuna qeyb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Warbaahinta Iraq ayaa sheegtay in Kooxdaas Bassem al-Safi, ay ku birtay Duulaan Bishii October 17, 2016 ay ciidamada dowladda Iraq iyo Xoogaga Kurdiyiinta Peshmerga ay ku qaadeen magaakada Mosul.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka sarkaalkaas.

Ururka Xisbullahi, oo fadhigiisu yahay dalka Lebanon, ayaa taageero ka hela dowladaha Shiicada hogaamiyaan ee gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan Syria iyo Iraq  kuwaasoo dagaal  kula jira Al Qaeda iyo Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM