Sarkaal Mareykan ah oo been u sheegay FBI-da

Image

WASHINGTON - Ku xigeenkii hore ee madaxa ololihii doorashada ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa heshiis la galay baarayaasha Mareykanka ee baaraya suurtagalnimada in Ruushka uu saameyn ku yeeshay natiijadii doorashadii dalkaasi ka dhacday sanadkii 2016.

Rick Gates ayaa hadda qirtay in uu been u sheegay baaraayaasha FBI-da iyo in uu qeyb ka ahaa shirqool.

Warbaahinta ayaa sheegtay in qiraalkaasi kaddib Gates laga cafiyay dambiyo kale oo loo haystay oo ay ka mid ahaayeen in uu khiyaanay bangi iyo in lacago uu si sharcidarro ah ku kala gudbiyay.

Dacwad oogaha khaaska ah ee baaraya eedeymaha la xiriira faragelin la sheegay in Ruushku uu ku sameeyay doorashadii Trump uu ku soo baxay ayaa sidoo kale dacwad ku soo oogay Paul Manafort oo kal hore madax u ahaa Gates, waxaana ninkan lagu eedeynayaa in uu si qarsoodi ah dhaqaalo u siiyay siyaasiin reer Yurub ah oo si ay ugu ololeeyaan dowladdii Ukraine ee u janjeertay dhanka Ruushka.

Ilaa hadda Gates iyo Manafort si dhab ah looguma eedeyn in ay si toos ah ugu lug lahaayeen faragelinta la sheegay in Ruushku uu ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM